Home Afsomali Qarax aad u xooga oo Muqdisho hada ka dhacay iyo cida lala...

Qarax aad u xooga oo Muqdisho hada ka dhacay iyo cida lala eegtay

Qarax aad u xooga oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Dugsiga 21-ka October ee kuyaala agagaarka wadada jayga ee aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida aan wararka ku helnay gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday gaadiid marayay goobta uu qaraxu ka dhacay, walina lama oga cida lala beegsaday qaraxa iyo khasaaraha kasoo gaaray.

Wararka hordhaca ah aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in gaadiidka qaraxa lagu weeraray ay wateen saraakiil katirsan UN-ka, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray oo xiray ciidamada amaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.