Home Afsomali Dab weyn oo Gordhaweyb gubay dukaamo iyo suuqyo ku yaal xerada qaxootiga...

Dab weyn oo Gordhaweyb gubay dukaamo iyo suuqyo ku yaal xerada qaxootiga aduunka ugu weyn ee Xagar dheer

Dab aad u xoogan ayaa goor dhow oo caawa ah ka kacay suuq weyn oo ku yaalla xerada Xagardheer oo ka mid ah xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee gobolka woqooyi bari Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dabku uu ku fiday qeybo badan oo suuqa ka mid ah, uuna baabi’yey hanti fara badan oo tiilay dukaamo iyo bakhaaro ku yiilay Suuqaasi.

Waxaa la xaqiijiyey in dabku uu gaaray Wadada dheer ee sii marta masaajidka weyn ee suufiyada ilaa laa gaarayaao wadada kale ee Midnomo hotel waxaana lag ayaabaa in u u sii gudbo baqaarada iyo dulkaamanka oo qaarkood gubteen harqaamadii iyo carwooyinkii ee qanciye iyo sidoo kale suuqa shoopinleyda iyo xitaa hotelka weyn ee maama khadiijo

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dedaalka lagu deminayo dabkan uu yahay mid gaabis ah maadaama xerada aysan oolin gaadiidka dab demisyada loo yaqaano ah, iyadoo saacadba saacada ka dambeysa uu dabkan ku sii fidayo suuqa oo hanti badan ay taallo.

“Dabku aad buu u xoogan yahay, wuuna sii fidayaa, mana jiro dedaal buuran oo lagu deminayo, dadku waa kuwo jahwareersan, waxaa hortooda ka muuqda hantidooda oo gubaneysa waxbana kama qaban karaan” ayuu yiri goob jooge ka tirsan Soomaalida ku nool xerada qaxootiga Xagardheer.

Weli lama oga sababta kicisay dabkan, waxaana xusid mudan in marar badan dab noocan oo kale ah uu qabsaday xerada dhadhaab ee dalka Kenya kuwaasoo geystay khasaare hantiyeed oo aad u fara badan.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.