Home Afsomali Ukraine iyo Ruushka: Ciidamada Muslimiinta ah ee ku biiray dagaalka uu Ruushku...

Ukraine iyo Ruushka: Ciidamada Muslimiinta ah ee ku biiray dagaalka uu Ruushku qaaday

Maalintii Lixaad ayuu socdaa dagaalka cirka, dhulka, badda iyo hawada ah oo uu Ruushku ku qaaday waddanka deriska la ah ee Ukraine. Ciidamo Muslimiin ah ayaa ka barbar dagaallamaya kuwa Putin.

Cutubyo ka tirsan militeriga gobolka Muslimiinti dagan yihiin ee Chechnya ayaa maalmo ka hor ku biiray dagaalka, iyagoo gacan siinaya ciidanka Ruushka ee gudaha u galay Ukraine.

Ramzan Kadyrov, oo ah hoggaamiyaha gobolka Chechnya ee dalka Ruushka, oo ah nin ay saaxiib dhow yihiin madaxweyne Vladimir Putin, ayaa sheegay in dagaalyahannada Chechnya la geeyay Ukraine, isagoo shacabka Ukraine ugu baaqay in ay xukunka ka tuuraan dowladdooda.

Muuqaal dabayaaqadii isbuuca lasoo geliyay baraha bulshada ayuu Kadyrov ku sheegay in ciidanka reer Chechnya “uusan ilaa hadda soo gaadhin wax khasaare ah, iyaga iyo ciidamada kale ee Ruushkuna ay si fudud ku qabsan karaan magaalooyinka magaalooyinka waaweyn ee Ukraine, oo ay ka mid tahay Kyiv, balse ujeeddadoodu ay tahay sidii ay isaga ilaalin lahaayeen in uu qof ka dhinto.”

“Ilaa maanta, daqiiqaddan aan hadleyno, hal qof nagama dhimanin, mana naga dhaawacmin, xitaa hal nin hargab ma uusan nooga dhicin,” ayuu yidhi Kadyrov. Waxa uu inkiray warar soo baxay oo sheegayay in ay jab kala kulmeen ciidamada Ukraine.

Ninkan ayaa isku tilmaama inuu yahaya mid ka mid ah ciidamada dhulka ee Putin, hadalkiisana waxa uu la mid ahaa kii uu horay madaxweynaha Ruushku ugu jeediyay dadka reer Ukraine.

Muuqaal gaaban oo laga sii daayay telefishinka dowladda Ruushka ee RT ayaa Jimcadii lagu arkay kumannaan dagaalyahannada Chechnya ah oo isugu tagay duleedka caasimad goboleedka Grozny iyagoo muujinaya sida ay diyaar ugu yihiin dagaalka ka socda Ukraine.

Xilligaas ma kala caddeyn in ciidankaas oo RT uu tiradooda ku sheegay ilaa 12,000 oo askari ay horay u gaareen Ukraine iyo in kale.

Kaddib markii ay soo baxeen wararka iyo sawirrada muujinaya in ciidamada Chechnya ay ku sugan yihiin Ukraine si ay u caawiyaan militeriga Rushka ee howlgalka ka wada waddankaas, Mas’uuliyiinta Xarumaha Muslimiinta ee Ukraine iyo bulshada rayidka ayaa si wadajir ah u sheegay in aysan albaabada u furi doonin, wax raashin iyo hoy ahna siin doonin Muslimiintaas weerarka kusoo qaaday, sida ay tabiyeen qaar ka mid ah warbaahinta.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in waddankiisa keligiis uusan ku guuleysan karin dagaalka uu kula jiro Ruushka.

Dalalka reer Galbeedka ayaa wali wada cunaqabateynnada ay ku xoojinayaan Ruushka, iyagoo jawaab uga dhigaya dagaalka uu ku galay Ukraine.

Muslimiinta Ruushka oo sii badanaya

Tirada bulshada Muslimiinta ah ee gudaha Ruushka ayaa sii badaneysa, waxa ayna hadda gaartay ilaa 25 milyan oo ruux, sida uu sheegay wadaadka Musftiga u ah ee lagu magacaabo Sheekh Rawil Gaynetdin.

Wareysi uu 2018-kii siiyay Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayuu ku sheegay in dadka Diinta Islmaanka heysta ee Ruushka ay qayb weyn kasii noqonayaan shacabka, diintoodana laga oggol yahay waddankaas.

Tirada hadda 25-ka milyan ah ee sida xowliga ah ku socota ayuu Gaynetdin ku sheegay in ay heerkaas ku gaartay qoysaska Muslimiinta ah ee ay ilmaha badan u dhashaan. Waxaa kale oo tirada xoojiya dadka Muslimiinta ah ee ka imaada bartamaha qaaradda Aasiya ee Ruushka taga.

Muslimiinta ayaa markii ugu horreysay Ruushka gaadhay qarnigii 7-aad. Dadka raacsan Nabi Muxammad NNKH ayaa Ruushka tagay 22 sano kaddib markii uu geeriyooday nabiga, sida uu sheegay sheekha.

“Waxay markii ugu horreysay tageen magaalo hadda loo yaqaanno Derbent, oo ku taalla Koonfurta Dagestan. Aadaankii ugu horreeyay ee Ruushka looga dhawaaqayna, waxaa laga maqlay dhulka Dagestan,” ayuu yidhi muftiga.

n ka badan 58 qowmiyadood, oo ka kala socda dalal iyo qabaa’il kala duwan ayaa taariikh ahaan abuuray Muslimiinta Ruushka, sida uu sheegay Gaynetdin.

Inta badan Muslimiinta Ruushka waa Sunniyiin heysta madhabka Xanafiga, balse waxaa jira Sunniyiin kale oo heysta Shaaficiyada iyo kuwo Shiico ah.

“Ruushka shiicada ah waxay intooda badan kasoo jeedaan Azeris iyoTajiks oo reer Pamir ah, tiradooduna aad bay u yar tahay. Inta badan shiicadu waxay ku nool yihiin Derbent, oo ku taalla koonfurta Dagestan.

“Magaalada Moscow, hal bulsho oo kaliya aya uga diiwaangashan shiico ahaan,” ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.