Home Afsomali Sababta aan Al-shabaab cadaaladda ugu raadsaday

Sababta aan Al-shabaab cadaaladda ugu raadsaday

“Sababta aan Al-shabaab cadaaladda ugu raadsaday

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir sanadeedka golaha garsoorka Soomaaliya, kaas oo looga dooday sidii loo heli lahaa caddaalad iyo inay bulshadu hesho garsoor lagu kalsoon yahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed oo furitaanka shirka ka hadlayay ayaa sheegay inay doorashada dalka kadib muhiimad gaar ah siin doonaan nooca uu noqonayo garsoorka dalka maadaama ay Soomaaliya qaadatay nidaam federaal ah, sharciyada uu ku shaqeynayana ay noqdaan kuwa la jaanqaada bulshada ayada oo la eegayo daruufaha dhaqan dhaqaale.

Shirka oo labadii cisho ee lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha maxkamadaha, xeer ilaaliyeyaa, garsoorayaasha dalka, ururka qareennada,madaxda bulshada rayidka, aqoon yahanno Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socda hay’adaha qaramada midoobay.

Iyadoo ay taa jirto hadana waxaa jirtay cadalada ay bixiyaan Kooxda Dowlada kasoo horjeedo ee Al-Shabaab oo maamulo goobo badan oo katirsan Somaliaya iyagoo sidokale sameyn kuleh gudhaan arrimaha Somaliya.

Nidaamka cadaalada aan rasmiga ahayn ee Al-Shabaab ay kummaamulaan goobaha ay kataliyaan ayaa noqday mid ay inta badan door bidaan buslhada Somaaliyeed iyadoo

Shacabka ayaa xusay in Al-Shabaab ay bixiso cadaalad joogto ah oo hufan islamarkaana degdeg ah oo aysan ka helin Dowlada federaalka Soomaliya.

Waxaa kamid ah ninkan oo kagaaabsaday in magaciisa lsheego oo kawaramyo waxa kuqasbay in in u cadalad doonto kooxda Al-shabaab aya yiri sidatan;

”Boos aan lahaa ayey maxkamadda Gobolka Banaadir Nin kale u xukuntay, kadibna waxaan aniga dacwad ka furtay Maxkamadda Al-Shabaab ee ku taalo Toora Toorow taariikhda markey aheyd 18/03/2020.

Maxkamadda AL-Shabaab ayaa wacday ninkii booskeyga loo xukumay, waxaana si wadajir naloogu balamiyey Ceelasha Biyaha maalin Isniin ah oo aan xasuusin taariikhda waxay aheyd, halkaasna waxaa naga qaaday gaari kuwa raaxada ah oo ay Al-Shabaab noo soo dirtay.

Dacwadeena waxay socotay muddo 44 Cisho ah, waxaana maxkamadda la hor geeyey dhowr Marqaati ugu dambeyna kooxda Al-Shabaab ayaa booskeyga oo ku yaalo Dayniile dib iigu soo celisay.

Xukunka markii uu dhammaaday kadib waxaa la iga qaaday lacag dhan 1500 Dollar oo ah adeegii garsoorka ee la ii qabtay, waana bixiyey haddana anigaa boskeyga gacanta ku heysto.

Ninkii igu heystay waxaa loo sheegay inuusan u dhawaan karin booskeyga mar kalana uusan dacwad ka furan karin maxkamadaha ku yaalo Muqdisho ee hoos taga Dowladda Soomaaliya”

Mar aan weydiinay Sababta ugu kalsoon tahay Maxkamadaha Al-Shabaab ayaa waxaa uu kujawaabay sidatan?

”Aniga markii hore Maxkamadaha Dowladda ku kalsoonaa, markii aan arkay musuqmaasuqa ka jiro maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo cadaaladda darada waxaan raadiyey xogta maxkamadaha AL-Shabaab waxaana ii cadaatay in meeshaas ay cadaalad taalo, sababtoo ah waxaa arkay dad badan oo si cadaalad ah ay Al-Shabaab u kala xukuntay, Runtii maxkamadaha Al-Shababaab lacago musuqmaasuqa lama qaato, waa meel dadka lagu kala saaro shareecada Islaamka, markii uu xukunka dhaco kadib ayaa qofka dacwadda ku guuleysto laga qaadaa lacagta garsoorka taasna waxay u xiran tahay hadba inta ay la egtahay waxa la isku heysto”

Ururka Al-shabaab ayaa sheega marka ay ukala gar- qaadayaan ama go’aan kagaarayaan dadka usoo dacwooda ay kusaleeyaan xukunka Islaamka, taasina ay tahay saabata ay dadweynaha ugu soo cadaalad doontaan halkii ay Dowlada aadi lahaayeen.

Mararbadan ayaa dowlda federaalka Soomaliya dignino kasoo saartay in loo cadaalad doonto kooxda Al-Shabab, balse aad moodo in wali buslahada qaarkeed ay u cadaalad doontaan kooxda Al-Shabaab.

Al Shabaab ayaa waxaa ay fuliyaan qaraxyo dad badan ay ku dhinteen inkastoo inta badan dhulkii ay katalinayeen ay kasaareen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo taageeraya dowladda Soomaaliya. Maamul goboleed kamid ah Dowlada Soomaliya oo kaduulayya in shacabkii ay doorbideen nidaamka cadaalada kooxda Al-shabaab ayaa waxax ay daah fureen maxkamad ay kushegeen in ay wax kuxukmineyso Shareecada islaamka.

Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa sanadii 2017-dii waxay fureen maxkamad shareecada islaamka iyo rafcaanka ah si ay uburburiyaan nidaamka cadaaladda ee Al Shabaab. Balse waxaad moodaa in wali dadaweynaha ay aminsanyihiin nidaamka kooxda Al-Shabaab ee aadka uguracan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.