Home Afsomali Diyaarad qaas ah isla markaana siday Ciidan isugu jira boolis iyo militeri...

Diyaarad qaas ah isla markaana siday Ciidan isugu jira boolis iyo militeri ayaa laga dajiyey magaalada Baraawe

Diyaarad qaas ah isla markaana siday Ciidan isugu jira boolis iyo militeri ayaa laga dajiyey magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, si ammaanka doorashada ay u sugaan.

Taliyaha ciidanka booliska Koonfur Galbeed Gaashaanle Cabdi Ibraahim Shaamow,
guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Shabeellada Hoose Axmed Mudane iyo guddoomiyaha degmada Baraawe Liibaan Abuukar ayaa ciidankaas goordhaw ku soo dhaweeyey magaalada.

Doorashada 13 ka mid ah kuraasta golaha shacabka ayaa dhawaan lagu qabanayaa Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee kuraasta golaha shacabka ka soo geleysa deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.