Home Afsomali iska horimaad ka dhacay Garowe iyo Puntland oo faahfaahisay

iska horimaad ka dhacay Garowe iyo Puntland oo faahfaahisay

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa faahfaahin ka bixiyay Rasaas xooggan oo xalay saqdii dhexe laga maqlay Caasimadda Garoowe.

Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Ilyaas Isaaq Maxamuud oo hadal kooban siiyay Mareegta lagu Magacaabo Puntland Post ayaa sheegay in Rasaastaas dhexmartay Booliiska oo hawlgal ku jiray iyo Cabtooy hubaysan.

G/sare Ilyaas ayaa xaqiijiyay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor-imaadka labada dhinac oo ka dhacay nawaaxiga buundada dhinaca bari ka xigta magaalada Garoowe.

Sidoo kale wuxuu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono kooxaha ka ganacsada Khamriga oo sida uu sheegay halis ku ah Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Gobolka Nugaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.