Home Afsomali Birgeydka Saddexaad ee dowlad degaanka Soomaalida oo kala celinayo Beelo walaalo ah...

Birgeydka Saddexaad ee dowlad degaanka Soomaalida oo kala celinayo Beelo walaalo ah oo dagalamay

Ciidamada xooga gaarka ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa howlgallo Amniga lagu xaqiijinayo kawada degaanada Haraale, ismadhaqa iyo Balli Dhiig, halkaas oo dhawaan ay ku dagaalamaeen laba maleeshiyo Beeleed.

Ciidamada oo Maamulka dowlad degaanka uu si deg deg ah ku geeyay degaanada haraale, Balli dhiig iyo isgoys ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan maleeshiyadkii labada beelood ee is horfadhiyay sidoo waxaa dhaqan galay xabad joojintii labada beelood kala saxiixdeen.

Cutubyada ka tirsan Birgeydka Saddexaad ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa fariisimo ciidan ka sameystay sidoo kalana howlgalo joogtaa ka sameyn doona degaanadaas dhaca koofurta gobolka Qorexey.

Degaannada Ciidamada la geeyay oo kuyaalla Xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa kusoo laab laabtay colaad Beeleedyada, waxaana Maamulka Galmudug uu ku guuldareystay in uu Ciidamo kala dhex dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.