Home Afsomali Soomaali ka mid noqotay dadka ka qaxaya Colaada dalka Ukraine

Soomaali ka mid noqotay dadka ka qaxaya Colaada dalka Ukraine

Dadka ku nool magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine ayaa billaabay qaarkood in ay ka baxaan magaaladaasi kadib weerarkii Ruushka uu ku qaaday Ukraine oo billowday saaka.

Qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ayaa kamid ah dadka isaga baxaya magaalada caasimadda ah ee Kyiv, oo ka mid ah magaalooyinka uu beegsanayo Ruushka.

Maxamed Cabdi Guutaale oo kamid ah Soomaalida kunool magaalada Kyiv ayaa sheegay in sababta qaxitaanka ay tahay cabsi ay qabaan ee ah in ay Magaalada kuxiranto oo markii dambe laga bixi waayo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Goobaha qaar ee magaalada Kyiv ay kusoo dhaceen madaafiic dhowr ah taas oo cabsi aii gelisay dadweynaha.

Dad badan oo Ajaanib ah ayuu saameyn ballaaraan ku yeeshay Colaada dalka Ukraine, kuwaas oo bilaabay inay ka qaxaan meelaha ay dagaalada ka socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.