Home Afsomali Dhageyso Wasaarada arimaha Dibada “Dowladda Federaalka aysan dalbanin in deeqaha Caalamka siiyo...

Dhageyso Wasaarada arimaha Dibada “Dowladda Federaalka aysan dalbanin in deeqaha Caalamka siiyo Soomaaliland laga joojiyo balse ay albaab walba u garaacdo in deeqaha loo kordhiyo”

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya oo hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dowladda dalbatay in deeqaha laga joojiyo Soomaaliland iyo qodobo kale.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan dalbanin in deeqaha Caalamka siiyo Soomaaliland laga joojiyo balse ay albaab walba u garaacdo in deeqaha loo kordhiyo.

Waxa uu sheegay in warqad uu qoray Wasiirka Qorsheynta  Xukuumadda Soomaliya Jamal Maxamed Xasan si qaldan loo fasiray,hase yeeshee dowladda Federaalka ay u doodo Soomaaliland.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ay jiraan dalal farabadan oo dowladda Federaalka ka soo codsaday inay Safaarado ka furtaan Soomaaliland oo aaminsan in Soomaaliya inteeda kale ay ka Go’day.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.