Home Afsomali Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal xooggan oo ka socda gudaha magaalada caasimada ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal xooggan oo ka socda gudaha magaalada caasimada ah ee Kiev

Ciidamada Ruushka oo wata dabaabaadka dagaalka oo aad u badan ayaa gudaha u galay qeybo kamid ah magaalada Kiev ee caasimadda dalka Ukraine , waxa ayna isku dayayaan ciidamada  Ruushka in si buuxda ula wareegaan magaaladaasi.

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa dowladda Ukrain ayaa xilligan ka socda magaalada Kiev, dagaalka ayaana xoogiisa ka socda waddooyinka waa weyn ee caasimadda Ukraine.

Milatariga Ukraine ayaa sheegay in ay iska difaacayaan duulaanka Ruushka ee ku wajahan magaalada Kiev, waxa ayna sheegeen in hada dagaal xoogan uu ka socdo deegaanka Vasylkiv oo katirsan magaalada Kiev.

Wariyaal ku sugan caasimadda Ukraine ayaa soo tabinaya in dagaal xooggan uu ka socdo qeybo kamid ah caasimadda , waxa ayna wariyaasha sheegeen in xaalada magaalada tahay mid adag oo la saadaalin karin waxa ay ku dambeyn doonto.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen ciidamada Ruushka dagaalka ay kala horjeedaan, waxa ayna sheegeen in ay soo rideen diyaarad dagaalka uu Ruushka leeyahay oo siday ciidamo.

Dadkii kunoolaa magaalada Kiev qaar badan oo kamid ah ayaa magaalada isaga baxsaday, waxaana wali gudaha magaalada ku haray dad kale oo go’doonsan oo garan la’ meel ay u dhaqaaqaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.