Home Afsomali Wariye ka tirsanaa mid kamid ah Telefishinada Soomaalida oo u goosey dhanka...

Wariye ka tirsanaa mid kamid ah Telefishinada Soomaalida oo u goosey dhanka alshabaab

Wariye ka tirsanaa mid kamid ah Telefishinada Soomaalida oo u goosey dhanka alshabaab

Dhaqdhaqaaqa  Al Shabaab ayaa deegaan katirsan gobolka Baay kusoo bandhigtay wariye katirsanaa Telefishinka maamulka Koonfur Galbeed , kaa oo la sheegay in uu si iskiis ah isugu dhiibay Al Shabaab.

Xuseen Iimaan Cabdullaahi oo ahaa wakiil wareedkii Telefishinka Koonfur Galbeed u joogay magaalada Diinsoor ayaa isaga oo watay kaamiradiisa shaqada isku dhiibay kooxda Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Baay.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa shaacisay in Wariye Xuseen Iimaan ka qoomameeyay in uu la shaqeenayay maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna warbaahinta Al Shabaab shaaciyeen in wariyaha is dhiibay cafis loo fidiyay.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay isku soo dhiibeen xubno katirsanaa shaqaalaha maamulka Diinsoor iyo saraakiil ciidan, waxa ayna xuseen in ay kala firxadeen maamulkii Koonfur Galbeed ugu magacawnaa Diinsoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.