Home Afsomali Ruushka oo Musiibo uusan fileyn kala kulmay Duullaanka uu ku qaaday Ukraine

Ruushka oo Musiibo uusan fileyn kala kulmay Duullaanka uu ku qaaday Ukraine

Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa si lama filaan ah waxaa u hareeyey khaladaad istaraatiiji, kuwa xeeladeea, shidaal iyo cunno yari, gawaari dagaal oo laga cararay, diyaarado lasoo riday iyo dhimashada askar badan, waxaa sidaas shaaciyey khuburo Mareykan ah.

Hase yeeshee guuldarrooyinka Ruushka ee maalmaha hore ee dagaalka, oo ay ku jirto inay yareysteen sida ay Ukraaniyiinta uga go’an tahay inay dagaalamaan, ayaa hoggaamin kara in Moscow ay go’aansato inay oodda ka qaado dhammaan awoodaheeda, ayna si aan kala sooc laheyn u burburiso qeybo badan oo ka mid ah Ukraine, sida ay sheegeen khubarada.

Khubarada Mareykanka ee darsa militariga Ruushka ayaa sheegaya inay aad ula yaabeen maamul xumada Ruushka ee ololahan, oo ay ku luumiyeen boqolaal gawaarida dagaalka ah iyo in Ukraaniyiinta ay ka hortageen in ciidamada cirka Kremlin-ka ay maamulaan hawada.

“Haddii aad wax ku dheeli laheyd laba ama saddex asbuuc marka uu dagaalka socdo, waan fahmin lahaa,” waxaa sidaas yiri Scott Boston oo ah taxliiliye sare oo difaac oo ka tirsan hay’adda daraasaadka ee Rand Corp.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.