Home Afsomali Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay Magacyada  liiska kuraas la dooranayo

Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay Magacyada  liiska kuraas la dooranayo

Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Jimce ah shaaciyay lix kursi oo dhawaan doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Kuraastaan ayaa kamid ah 13 Kursi ee guud ahaan kuraasta taalla Koonfur Galbeed uga harsan, waxaana lixdaan kursi doorashadooda ay dhaceeysaa todobaadkaan Beri bilaabanaya Gudihiisa, waxaana ay kala yihiin.

kuraasta la shaaciyay Maanta iyo Qabiilada ay kala yihiin
1. Hop#261 Ashraaf waxaa ku fadhiyay wiilka Shariif Xasan sheikh Aadan
2. Hop#167 Dabare Waxaa ku fadhiyay Xuseen Maxamud Sheikh
3. Hop#168. Dabare waxaa ku fadhiyay Xasan macalin
4. Hop#099 Dabare waxaa ku fadhisay kursigan Deeqo Xuseen Xasan
5. Hop#077. Jilible waxaa ku fadhiyay Isgoowe Deerow
6. Hop#186. Jilible waxaa ku fadhiyay Maxamed Xuseen Afaraale

1: Hop#261  oo uu ku fadhiyo Cabduqaadir Xasan Sheekh Aadan.

2: Hop#167 oo uu hadda ku fadhiyo Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

3: Hop#168 oo uu ku fadhiyo Xasan Macalin Xuseen.

4: Hop#099 oo ay ku fadhiso Deeqo Xuseen Xasan.

5: Hop#077 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Isgowe Deerow Isaaq.

6: Hop#186 oo uu ku fadhiyo Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale).

Inta badan degaannada dowlad Goboleedyada ayaa lagu wadaa in todobaadka Beri bilaabanaya ay ka dhacaan kuraas farabadan oo Golaha Shacabka ah si loo soo geba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka ka hor 15 Bishaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.