Home Afsomali Soo wareejinta Galalka iyo cvga xildhibaanada la doortay

Soo wareejinta Galalka iyo cvga xildhibaanada la doortay

Warqad ay si wadajir ah u soo saareen labada xoghaye ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Cabdikariin Buux iyo Cali Maxamed Jaamac ayaa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federal looga dalbaday 10 qodob oo ku saabsan macluumaadka xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Labada xoghaye ee golayaasha baarlamaanka ayaa 10-kaan qodob ku soo koobay dalabka xogta muhiimka ah ee loo baahan yahay in ‘galkiisa shakhsiga ah’ loo geliyo qof kasta oo ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee hadda la doortay.

Qoraalkaan ay ku wada saxiixan yihiin labada xoghaye ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, waxaa lagu sheegay in xogta galalkaan aan looga maarmeyn diiwaan-gelinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka dalka.

Tobanka qodob ee laga codsaday guddiga heer federal ayaa kala ah:

1– Shahadooyinka Xildhibaanada
2– Shahaado dugsiyeed – aqoontiisa
3– Sawirka baasaboorka ama warqad kale oo sugeysa aqoonsiga shakhsiga
4– Afar sawir oo xildhibaan kasta laga rabo
5– Cadeynta shaqo ka tegidda iyo cadeynta ogolaashaha hey’adda dowladda ee uu ka tirsanaa jiray.
6– Taariikh nololeedka Xildhibaanka
7– Magaca deegaan doorashadiisa
8– Duqa ama duubabka beesha kursiga leh
9– Ergada soo dooratay
10– Qofka ama dadka la tartamay natiijada ay ku kala badsheen.

Tobankaas qodob ee ku saabsan macluumaadka xildhibaan kasta oo ku soo biiray baarlamaanka 11-aad ee dalku yeelanayo ayaa laga dalbaday guddiga doorashooyinka heer federaal inuu ku soo gudbiyo si deg deg ah, si loo guda galo howlaha hor yaalla baarlamaanka cusub ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.