Home Afsomali Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo Loo Doortay Xildhibaan Golaha Shacabka Ah.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo Loo Doortay Xildhibaan Golaha Shacabka Ah.

Taliyaha ciidanka asluubta Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan, ayaa maanta loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad kadib doorasho goordhow ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, jeneraal Mahad ayaa ku soo baxay doorashada kursiga sumadiisu tahay  HOP#172, iyadoo booskan uu hore ugu fadhiyay Cali Caddow Maxamed.

Taliye Mahad C/raxmaan ayaa ku biiraya liiska saraakiil ciidan oo hore u soo qaadatay kuraas xildhibaan oo ay kamid yihiin; Saadaq Joon, Bashiir Ameeriko, Fahad Yaasiin, Yaasiin Fareey, Kulane Jiis iyo Jacfar, Iyadoo Jeneraal Mahad uu nqoday sarkaal ugu sareeya ee xil haatan haya ee xildhibaan noqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.