Ugu yaraan 7 qof oo shacab ah ayaa la sheegayaa in lagu dilay magaalada Mambaas ee Degmada Gursum ee gobolka Faafan ee Dowladda Deegaanka Soomaalida kadib shaqaaqo ka dhalatay Ugaas loo balansanaa saaka in halkaas ku caleemo saarato mid ka mid ah beelaha degan Degmadaasi Gursum.
Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in sidoo kale uu dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo caleemo saarka saaka goobta u tagay , waxaana rasaasta dadka lagu dilay sida la sheegay furay Ciidamada dowladda.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xiisad weli laga dareemayo Degmada Gursum ee gobolka Faafan ee Dowladda Deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu ka taagan yahay muran la xiriira caleemo saarka Ugaaska.
Ciidamo kale oo katirsan kuwa dowlad degaanka ayaa tegay Goobta ay Shaqaaqada ka dhacday, waxaana dhaawaca dadka Shacabka ah la geeyay Isbitaalka Weeyn ee Degmada Gursum ee gobolka Faafan ee Dowladda Deegaanka Soomaalida
Laamaha Amniga dowlad degaanka Soomaalida ayaan weli ka hadlin Shaqaaqadaan, hayeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka hadlaan hoggaanka Nabadgelyada dowlad degaanka Soomaalida, isla markaana faah faahin ka bixiyaan.