Home Afsomali Guddoomiye Aadan Madoobe” Xukuumadda waa in guri guri u baartaa Muqdisho si...

Guddoomiye Aadan Madoobe” Xukuumadda waa in guri guri u baartaa Muqdisho si loo xaqiijiyo Amniga”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) oo ka qeyb galay kulan wadareedka golaha Wasiirada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida Xukuumadda diyaar ugu tahay in lagula xisaabtamo Shaqooyinkooda.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeedinayay shirka waxaa uu sheegay in isla xisaabtanka Golaha Shacabka aysan noqon doonin mid xukuumada lagu xumeeynayaao, balse uu yahay waajibaad saran, isaga oo sheegay in Xukuumadda ay tahay mid isku kalsoon.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shaabka ayaa sheegay in Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha laga sugayo inay noqoto mid ka fog musuq maasuq oo si hufan u Shaqeeyso, isla markaana ujeedkeedu uu noqdo mid  Ummadd Soomaaliyeed ka saarta dhibaatadda heysata.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliyeed uu aad uga liito dhanka Amniga oo ay ugu dambeeysay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee hotelka Xayaat, isaga oo Xukuumadda ugu baaqay inay guri guri u baarto Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

“Weerarkii dadka lagu laayey ee [Hotel Xayaat] wuxuu bilow u yahay dhagar badan oo la doonayo sawir xun looga bixiyo dowladda cusub; xukuumadda Dan Qaran waa in ay xabad-xabad u aragtaa dadka fududeynaya auu yiri”. Sheekh Aadan Madoobe.

Previous articleMadaxweynaha Koonfur Galbeed oo Hay’adda IOM kala hadlay gurmadka Abaaraha
Next articleMaxkamadeynta dhalinyaro ku eedeysan Ciyaal weero oo ka bilaabatay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.