Home Afsomali Dilal dad badan ka naxeen oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino...

Dilal dad badan ka naxeen oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Magaalada Muqdisho waxaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay dilal qaarkood loo geestay dad shacab ah, waxaana dilalkaasi geestay kooxo burcad ah oo dhac u geesanayay dadka ay dileen.

Labo nin oo dhallinyaro ah ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay xaafado katirsan degmada Wardhiigley, waxaana goobta dilalka ka dhaceen ka baxsaday kooxihii hubeesnaa ee dilka fuliyay.

Dhallinyarada la dilay waxaa kamid ahaa Cabdinuur Cabdullaahi Warsame (Black) oo kamid ahaa dhallinyarada sida weyn looga yaqaanay Wardhiigley, waxaana ninkan kooxo burcad ah oo moobeel ka dhacayay ku hor dileen gurigiisa.

Ciidamo katirsan booliiska ka howlgala saldhiga degmada Wardhiigley ayaa gaaray goobaha ay dilalka ka dhaceen, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo aan lagu soo qaban burcadii dilalka geesatay.

Dilalka dhallinyaradn aan waxba galabsan loo geestay ayaa waxaa ka naxay dad badan, waxaana baraha bulshada laga dareemayaa tacsida dhallinyarada gaar ahaan Cabdinuur Black oo kamid ahaa dhallinyarada wax baratay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.