Dagaalka sokeeye ee ka qarxay Ethiopia ayaa in ka badan shan malyan oo qof ku qasbay in ay u baahdaan gargaar cunto kaas oo aysan heli Karin ilaa iyo bishii December.
Go’aanka dawladda Ethiopia ayaa imaanaya kadib booqashadii wakiilka gaarka ah ee Maraykanka ee Geeska Africa David Satterfield.
Ciidamada Tigreyga Ayaan ilaa hadda ka jawaabin talaabada ay dawladda Ethiopia qaaday.
Dagaalka Ethiopia ayaa qarxay bishii November ee 2020 kii kadib mudo bilo ahayd oo ay jirtay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay dawlada Ethiopia iyo ururka TPLF ee xukumayay gobolka Tigray.