Home Afsomali Dhamaan ka hor inta aan la aasin dhiman waxay wada lahaayeen danooyin...

Dhamaan ka hor inta aan la aasin dhiman waxay wada lahaayeen danooyin hadafyo iyo ujeedooyin u gaar ahaa

Dhamaan ka hor inta aan la aasin dhiman waxay wada lahaayeen danooyin hadafyo iyo ujeedooyin u gaar ahaa

Sida guur safar wax barasho ganacsi iwm markaanse qabri ayey galeen oo tii alle ayaa u timid waxbana lagama gaaro

Marka Aad dhimato Waxaa La Wariyay in Ruuxdaada ay Ku sii baaqi ahaan doonto Meydkaaga dhinaciisa , Sida Barkintada hoosteeda iyo Sariirta hareeraheeda Waa goormee .? Waa Marka Lagu maydhayo iyo Marka Lagu Karfanaayo Labadaba.

Marka Lagu aaso Ruuxdaada Waxeey Dib Ugu Soo Laabaneysaa Jidhkaaga Ka dib Marka Qabriga Lagu soo dhex jiifiyo😭😭😭😭.

Marka Lagaa Soo Laabto Ka dib Waad Soo Tooseeysaa Sida Qof Hurdo Ka Soo Kacay oo kale Waxaa La Sheegaa in Aad Sadax jeer Oo isku Xig Xigta Aad isku dayidoontid inaad soo fadhiisato Qabriga dhexdiisa.

Ka dib Waxaad Arkeysa Mugdiga Ka jira godka qabriga dhexdiisa , Lkn Mar Walba Oo Aad damacdo inaad madaxa Kor U soo qaado Darbiga Qabriga ayaad Madax Ku dhufaneysa.

Marka Aad Aragto Xaaladaada in aanay Caadi aheyn ayaad Rumeysan doontaa inaad ka mid tahay Ehlu-meytka Asxaabul Qabuurka Meesha Ku Cusub Caawa.

Wax yar Ka dib Waxaa Kuu imaan doona Labadii Malag Ee kala ah Munkar iyo Nakiir Kuwaa Oo Loo Wakiishay Kaliya In ay Qabriga dadka Ku su”aalaan Sadax Su”aalood.

Waxa ay Ku Weeydiin doonaan Ma aha Baasaboorkaa dhalashadada Ama Lacag iyo Maal , Ee Kaliya Waxa ay Ku Weeydiin doonaan Xagga Rabbigaa Diintaada Rasuulkaaga csw.

Labo Mid ayaad Noqon Mid ka Jawaaba Oo liibaana Ama Mid Ku dhaca Oo khasaara 😢

Ka dib Waxaa Laguu Wadayaa Goob lagu magacaabo Xayaatu-barzaq Waxeey leedahay goobtaa laba albaab Mid Waxa Uu Ku sii jeedaa janada
Mid ka Kale isaguna Waxaa Uu Ku Sii jeedaa Xaga jahanamo Halkaas ayaad Ku sugi doontaa Xisaabta iyo isa Soo bixinta Qiyaamaha.

Markaa ka dib Laba Meelood mid ayaad tegi Ama janno Ama Naar Allah ha inaga badbaadiyee

Sido kale Maalmaha Qaar Waxaa ku soo booqan doona qaar Ka Mid ah qaraabadada iyo Asxaabtaada

Waxaa la Wariyaa in Uu Malag Kuu imaan doona Kuguna Wargelin doona in Qof Ehelkaaga ah Ku soo Salaamay Waxaa Uu kugu Odhanayaa, Waxaa Kuu yimid Wiilkaaga ama Hooyada Ama inantaada Ama Xaaskaaga.

Ruuxdaadu Wey Ka Soo baxeysaa godka Qabriga Waxeey soo Koreysaa korka Sare Ee Qabriga , Waxeey rabtaa in ay dhageeysato Waxa Uu odhan doono qofka yimid Ee Soo Booqdaha ah.

F: G: Waxaan jecleystay inaan Nafteeyda iyo Naftaada geerida Xasuusiyo si Aan Uga towbad keeno Dambiyada aan galeyno Wll mcn

-Dhamaanteen Allah ha inoo dambi dhaafo 🤲
– Khaatumada Allah ha inoo hagaajiyo 🤲
Allah dartiis U faafi Nabiga scw waxa Uu yiri ” بلغوا عني ولوكان آيه

Previous articleDawladda Ethiopia oo Xabad joojin ku dhawaaqday halka Tigray. dana aan weli jawaab laga helin
Next articleAhlu suna oo dowlada ka gubtay gaadiid dagaal Askarna la aysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.