Home Afsomali Doorashada labo kursi oo ka dhacaysa Beledweyne Iyo Cabsi qarax oo...

Doorashada labo kursi oo ka dhacaysa Beledweyne Iyo Cabsi qarax oo ka jirta

Guddiga Hirgalinta doorashooyinka ee Hirshabeelle ayaa maanta lagu waddaa in uu qabto doorashada labo kursi oo ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka kuwaasoo degaan doorashadoodu ay tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Labada Kursi kan koowaad HOP#019 oo afartii sano ee lasoo dhaafay ay ku fadhiday Xildhibaan Farxiyo Muumin , Waxaana hadda ay ka mid tahay musharaxiinta u taagan kursigaasi, maadaama uu yahay mid furan.

Kursiga labaad ayaa ah HOP #059, waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiday xildhibaan Samiiro Xasan, waxaana ka mid ah Musharaxiinta kursigaan gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka heer Faderaal Mowliid Mataan.

Guddiga ayaa xalay diwaangaliyay Musharaxiinta kala ah:

HOP#059

Murashxiinta ayaa kala ah :

  1. Mohamed Abdullahi Buraale ( Raaxeeye)
  2. Cabdullahi Cali Cilmi

 

HOP#019.

Murashxiinta ayaa kala ah :

  1. Abdirahman Elmi Siyaad
  2. Faadumo Khaliif Guuleed
  3. Mohamed Abdulkadir Mohamed
  4. Ahmed Mohamed Ibrahim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.