Home Afsomali nasiib darada wasiirka Amniga Amaradiisa albaabka Xafiiskiisa sooma dhaafaan

nasiib darada wasiirka Amniga Amaradiisa albaabka Xafiiskiisa sooma dhaafaan

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa marka hore sheegay in  Wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya ee la Eryay uu dhibaatooyinkii la shaaciyay & kuwo kale aan la shaacin  uu ku hayay Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu ku eedeeyay Villa Somalia gaar ahaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo in uu si indho la’aan ah u difaacay Danjire Francisco Madeira qaladaadkii uu galay iyo sidii foosha xumeyd ee uu uga Shaqeyn jiray dalka Soomaaliya.

Wasiir  Cabdullaahi Maxamed Nuur oo Su’aalo lagu weeydiiyay twitter Space ayaa sheegay in Farmaajo uu qorsheeysan hadii uusan sii joogeyn dalka Soomaaliya in uu waxba ka harin, isla markaana uu iska horkeeno Shacabka Soomaaliyeed & Ciidanka AMISOM si uu Al-Shabaab ugu wareejiyo dalka Soomaaliya.

ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay jirto qataro aad u ballaaran oo maalmaha soo socda kusoo wajahan dalka Soomaaliya hadii aan laga hortegin,  in kastoo uusan sheegin qatarahaas.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa saameeya hay’adaha kala duwan ee dowladda, waxaana uu markale dib u dhigi karaa doorashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.