Baydhabo waxa ka bilowday wadahadallada u dhaxeeya wafdigii shalay halkaasi gaaray ee uu hoggaainayay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo madaxda maamulka Koonfur Galbeed.
Shirarkan ayaa diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka soo cusboonaaday doorashada Soomaaliya kadib markii Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay ku adkeysteen in lagu laabanayo afar kursi oo horey loogu tartamay. Seddex ka mid ah kuraastaasi waxaa laga soo doortay Koonfur Galbeed.
Wafdiga jooga Baydhabo oo uu hogaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ay wehliyaan xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Barlamaanka cusub ee Federaalka ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba sida arinta kala qaybsanaanta keentay lagu wajahayo.
Waxa isa soo taraya khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ee soo jiitamaysay tan iyo sannadkii hore, iyadoo Ra’isul Wasaare Rooble uu shaqada Guddiga Doorashooyinka ka eryay labo xubnood, diginin kama dambeys ahna u diray shan xubnood oo kale oo Guddiga kamid ah kadib markii uu khilaaf baahsan uu hareeyay xubnaha guddiga, kaas oo ka dhashay sida loo maraaynayo afar xildhibaan oo lagu doortay maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo doodi ay ka timid hannaanka doorashooda loo maray.
Maamulka Koonfur Galbeed isna waxa uu dhawaan sheegay inuu gabi ahaanba joojiyay wadashaqayntii arrimaha doorashooyinka ee uu la lahaa Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana goor dhow la filayaa in xildhibaano ka tirsan kuwa dhawaantan lagu doortay Baydhabo iyo Baraawe oo Muqdisho joogay ay ku laabtaan magaalada Baydhabo si ay garab istaag ugu muujiyaan maamulka Koonfur Galbeed.
Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed oo dhan 77 xildhibaan ayaa keliya waxa iska diiwaangalisay, shahaadadana qaadatay 3 xildhibaan oo keliya, iyada oo inta badan ay diideen in ay qaataan shahaadada, iyo kaarka aqoonsiga baarlamaanka
Dhanka kale Odayaal dhaqameedka Maamulka Koonfur ayaa muujiyay cabashadooda ku aaddan xildhibaanada laga reebay shaahaada siinta ka dib markii lagu eedeeyay in doorashadooda ay wax ka khaldan yihiin.
Ma laga socon karaa iyadoo uu maqan yahay maamul goboleed?
Maadaamaa ku dhowaan 200 xildhibaan ay qaateen shahaadada rasmiga ah ee guddiga federaalka iyo kaarka aqoonsiga xildhibaanimo, islamarkaasna ay aad u dhowdahay taariikhda 14-ka ee loo qabtay in baarlamaanka lagu soo dhamaystiro ayaa waxa ay dad badan is weeydiinayaan in laga socon karo Koonfur Galbeed, maadaamaa uu buuxsamay guntanka labada aqal ay ku fariisan karaan.
Axmed Kaariye Qoor-Qoor oo warbaahinta kula hadlayay Baydhabo ayaa sheegay in aanan laga socon karin Koonfur Galbeed, wuxuuna yiri “Maanta waxaan joogaa heer ay doorashadii ay gabogabo tahay oo guul inoogu dhamaato , ma jirto, mana jiro maamul goboleed laga socon karo, reer laga socon karana ma jiro, qof soomaaliyeed oo laga socon karana ma jiro doorasho wax laisku darsaday wada-ogol lagu keenay tanasul iyo walaalnimo ku timid -taas ayay ku soconeysaa”.
Sidoo kale guddoomiyaha xilgaarsiinta federaalka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed oo maqan uusan jirin baarlamaan fariisan kara, wuxuuna yiri “Haddii 14-ka baarlamaanka, Koonfur Galbeed ay ka maqan tahay , baarlamaan lama dhaarinayo waxaa la dhaarinaya dowlado iskaashaday , afar dowlad goboleed baarlamaankiisa ayaa la dhaarinayaa” .
Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faalooda arrimaha gobolka ayaa BBC-da u sheegay inay adagtahay in horey loo sii socdo iyadoo maamul goboleed uu ka maqan yahay baarlamaanka.
“Wey adagtahay in laga socdo , siyaasad ahaan ma fiicno in laga socdo Koonfur Galbeed oo maqan waayo haddii la socdo waxay horseedi kartaa in siyaasadda ay sii xumaato, waana gobol dhan maadama baarlamaanka uu yahay matalaad shacab, waxay noqon howl adag oo saameyn ku yeelan karta doorashada” ayuu yiri.
“Madaxweyne Qoor-Qoor waxay ila tahay in uu sax san yahay maadaama waxa taagan uu yahay khilaaf siysaasadeed waa in xal siyaasadeed la gaaro anigaa saxsan iyo anigaa khaldan ma jirto, waxaa lagu khasban yahay in xal siyaasadeed oo deg deg ah la gaaro , macquul ma ahan in koox ama shakhsi uu aragtiisa ku fuliyo arrinta , dalkuna waa federaal, maamul goboleedna lagama maarmo, waa in la ilaaliyo matalaadda” ayuu yiri Daahir Qoriyow.