
AMISOM ayaa sheegtay in bandowga lagu soo rogay Xerada Xalane uusan ahayn mid dhibbaato ku ah hannaanka doorashada ee dalka.
Dhaarinta Xildhibaanadda ayaa 14 bishaan lagu qabanayaa Xalane waxayna AMISOM sheegtay in ay sugayso Amaanka Xalane.
ATMIs, ayaa sheegay in ay ahayd wax horay loo samayn jiray tilaabadan ay qaadeen oo aysan ahayn arin ugub ah.
Waxay sheegeen in masuuliyad gaar ah ay iska saari doonaan xaqiijinta ammaanka goobta doorashada ay ka dhaceyso.