Home Afsomali Ciidamo Ethiopian ah oo owdiinle Alshabaab kula dagaalamaya iyo faahfaahino laga...

Ciidamo Ethiopian ah oo owdiinle Alshabaab kula dagaalamaya iyo faahfaahino laga helayo

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaanka Awdiinle oo katirsan Gobolka Baay ku dhexmaray Ciimada Ethiopia ee katirsan howlgalka ATMIS ee loo aqoon jiray (AMISOM) & Xubno katirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Itoobiya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiiaa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in intii uu dagaalka socday ay Ciidamada Itoobiya adeegsadeen madaafiic dhowr ah taas oo uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah oo gaaray dad ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in xaaladda degaanka Awsiinle ay tahay  isla markaana Goobtii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya, kuwaas oo mararka qaar howlgallo sameeya.

https://youtu.be/iLA5l_JgN4Q

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.