Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada 16 kursi ee taalla Gobolka Gedo, kuwaas oo doorashadooda lagu qabanayo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Kuraastaan ayaa doorashadooda muddo khilaaf uu ka taagnaa, iyada oo laga soo wareejiyay xarunta degaan doorashada labaad ee Magaalada Garbahaareey, waxaana Guddiga doorashooyinka Jubbaland ay sheegeen in doorashadooda la kala qabanayo 18 ilaa 27 Bishaan ayna ka dhaceyso degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
https://youtu.be/iLA5l_JgN4Q