Madaxweynaha dowlada puntland saciid cabdulaahi dani iyo wafdi baraan oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Muqdisho
Wadiga madaxweynaha ayaa ka dagay gegiga diyaaradaha ee adan cabdulle cusmaan waxaana ku soo dhaweeyey Xildhibaano wasiiro nabadoono dhaqanka ganacsato siyaasiyiin Barbara gaashaaman ururada bulshada rayidka dhalinyaro haween iyo dadweyne farabadan .
Maadaxweynaha ayaa gudaha garoonka mid mid ugu gacanqaaday dadkii ka qeybqaadanayey soo dhaweyntiisa .
Kooxda Barbara gaashaaman iyo shacabka muqdisho qaarkooda ayaa soo bandhigay sida ay ugu kalsoonyihiin musharax madaweyne sacid dani waxayna bixiyeen tilmaamo gooni ah
Musharax madaxweyne saciid dani ayaa uga mahadceliyey sida diiran ee muqdisho loogu soo dhaweeyey
Intaa ka dib afhayeenka dowlada puntland jaamac yuusuf jaamac dabaraani oo barwaahinta qolka nasashada VIPda warbaahinta kula hadlay ayaa ka warbixiyey safarka madaxaweynaha iyo wafdigiisa.
https://youtu.be/2gva6RyxYZI