Home Afsomali Iska hor-imaad geystay qasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan oo...

Iska hor-imaad geystay qasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan oo caawa ka dhacay gaalkacyo gobolka Mudug Q puntland

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa iska hor-imaad fiidnimadii Caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Iska hor-imaadka ayaa sida la sheegayo dhexmaray Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland iyo ciidamo waardiye ka hayay Guriga Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo uu ku sugnaa wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali.

Hal askari oo la socday Wasiirka ayaa ku dhintay is rasaaasaynta waxaana ku dhaawacmay saddex qof oo ay ku jiraan Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Mudug iyo Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad.

Dhaawacyada Nabaddoonka iyo Taliye ku xigeenka Qaybta ayaa loo qaaday isbitaal halkaas oo lagu la tacaalayo xaaladooda caafimaad islamarkaana waxa la sheegay in dhaawaca Taliye Koomaad uu yaha mid culus.

Iska hor-imaadka ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland ay soo saareen awaamiir lagu mamnuucayo in shirar siyaasadeed oo aysan dowladdu ogayn la qabto.

Wasiirka arimaha dibada ayaa qoraal uu soo dhugat bartiisa Internet ka ayaa sidaan u qoraa

“Waxaan sida ugu adag u cambaaraynayaa weerarkii qaawanaa ee siyaasadda ku salaysnaa oo ay ciidanku galabta ku qaadeen Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo martidiisii oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda. Haddii looga danlahaa in lagu cabsigeliyo, tani waxay sii dhiirigelinaysaa oo keliya in reer Puntland ay si dhiiran u qayaxaan diidmadooda maamulka mas’uuliyad xumada muujiyay ee damac siyaasadeed u khalkhalgelinaya midnimadayada” Wasiirkii hore Arrimaha dibadda Soomaaliya”

Maxamed Cabdirisaaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.