Madaxweynihii hore ee dalka KENYA oo geeriyooday
Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa geeriyooday isagoo ku jira da’da 90-aad.
Geerida Mwai Kibaki ayaa waxaa xaqiijiyey madaxweynaha hadda hayo talada dalkaas Uhuru Kenyatta.
“Waa waajib murugo leh in aan ummadda u sheego geerida H.E.E. Emilio Mwai Kibaki, Madaxweynihii Saddexaad ee Jamhuuriyadda Kenya. Wuxuu ahaa hoggaamiye wax badan usoo qabtay, ummaddiisa si weyn ayuu u jeclaa, wuxuuna ugu adeegay rabitaankooda si hagar la’aan ah si uu u hormariyo nolosha dadkiisa” ayuu yiri
Mwai Kibaki ayaa ahaa madaxweynihii Sadexaad ee soo maray Dalka Kenya, wuxuuna xilka hayey 2003 illaa 2013.
Kenyatta ayaa sheegay inuu dalka geli doono xaalad baroor diiq qaran ah inta laga aasayo madaxweynahii hore ee geeriyooday. Sidoo kale madaxweyne Kenyatta ayaa amray in hoos loo dhigo calanka dalkaas.
Mwai Kibaki ayaa qeyb kasoo qaatay dhismaha dowladdii Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariisii Cabdullaahi Yuusuf Axmed taasoo lagu soo dhisay Dalka Kenya sanadkii 2004.