Home Afsomali Maamulka dagmada Afgooye oo shaqaale laga dilay

Maamulka dagmada Afgooye oo shaqaale laga dilay

Kooxo hubeysan ayaa  Xaafada Doolaale  oo katirsan dagmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay kudileen laba Ruux, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Labada Ruux ee la dilay oo Magacyadooda lagu kala sheegay Cumar Gaduudow iyo Qaasim ayaa waxaa Wararka aan helnay ay sheegayaan in ragga la dilay mid uu la Shaqeeynayay Guddoomiyaha degmada Afgooye halka mid kale uu la Shaqeynayay Guddoomiyaha Xaafada Doolaale ee degmada Afgooye.

Ciidamo katirsan laamaha Amniga degmada Afgooye ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas wallow aysan u suurto gelin inay qabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.