Home Afsomali Alshabaab oo dagaal kula ciiideystay Weerar iyo Qaraxyo ay ku qaadeen Saldhiga...

Alshabaab oo dagaal kula ciiideystay Weerar iyo Qaraxyo ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi ee degaankaasi Ceelbaraf

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku billowday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ee horay loogu aqoon jiray AMISOM ku leeyihiin degaanka Ceelbaraf oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo luwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana dagaalka ka dhacay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka somalisan heshay ayaa sheegaya inay jiraan ilaa 4 Askari oo katirsan Ciidamada dowladda oo weerarka ku dhintay, halka la xaqiijiyay ku dhawaad 5 Ruux oo Shacabka oo ku dhaawacmay dagaalka dhexmaray Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo sheegtay weerarka degaanka Ceelbaraf ayaa sheegtay inay la wareegeen Xerada Ciudamada Burundi walow faah faahin intaasi ka dheeraad ah aysan bixin.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Ceelbaraf ayaa sheegaya in dagaalka uu saameyn weyn kuyeeshay degaanka, iyada oo Maanta laga Ciidayay Maalintii labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.