Home Afsomali Imaaraadka Carabta oo dowladda Soomaaliya ku wareejisay 9.6 Milyan oo Dollar

Imaaraadka Carabta oo dowladda Soomaaliya ku wareejisay 9.6 Milyan oo Dollar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar.
lacagtaan ayaa waxaa ay aheyd mid horay dowladdda Imaaraadka Carabta sanadkii 2018-kii dowladda Soomaaliya ay ka xayirtay markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada muqdisho, balse uu dhawaan u fasaxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Lacagta ayaa waxaa dowladda imaaraadka ay ku wareejisay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaana lacagtaan sida la sheegay ay kamid noqon doontaa howlaha Shaqo ee dowladda Soomaaliya
 
Ra’iisul Wasaare Roooble ayaa Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in la xoojin doono xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hayeeshee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay dib u soo celisay xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.