Home Afsomali Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo sheegay Xaalada Abaaraha halka ay mareyso

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo sheegay Xaalada Abaaraha halka ay mareyso

Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa ay Warbixin la xiriirta Abaarta ba’an ee jirta la wadaageen Ergayga gaarka ah ee Arrimaha bani-aadannimada iyo gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maalmo kahor xilkaas loo magacaabay.

Qoraal ay soo saareen Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa ay ku sheegeen in Abaarta jirta ay si ba’an u sameeysay 66 degmo oo ka tirsan degmooyinka kala duwan ee Gobolada dalka Soomaaliya oo ay kunool yihiin qoysas farabadan.

Guddiga ayaa hoosta ka xariiqay in tirada dadka wajahaya biyo la’aanta iyo cunta yarida  lagu qiyaasayo inay gaartay 6.9 Milyan, iyada in bilaha soo socda laga cabsi qabo inay gaarto 8 Milyan oo u dhiganta 50% tirada dadka kunool dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.