Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumada xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay inay jiraan aqabado xoogan oo heysta Ciidanka ilaalada waddooyinka ee loo yaqaano taraafiada, kuwaas oo u baahan in wax lag qabto.
Wasiirka oo hadal ka jeedinayay Munaasabad Maanta xariga looga jarayay xarunta Taraafikada oo dib u dhis lagu sameeyay ayaa sheegay in Masuuliyiinta Dowladda aysan Ixtiraamin sharuucda waddo marista, isaga oo ugu baaqay inay dhowraan.
Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in qof walba oo mas’uul ah looga baahan yahay in uu hagaajisto Gurigiisa, balse uusan amrin waddo aan sa aheyn maadaama dadka Shacabka ah ay ku daysanayaan.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumada xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kusoo aadaya xilli mararka qaar waddooyinka Caasimadda ay shilal ku galaan Gaadiid ay wataan Madax ka tirsan dowladda & dowlad Goboleedyada.