Home Afsomali DUULIYE SARE ASLI XASAN CABAADE (CALANSIDA) OO U SOO HAMBALYEYSAY MADAXWAYNAHA D.F.S. MUDANE...

DUULIYE SARE ASLI XASAN CABAADE (CALANSIDA) OO U SOO HAMBALYEYSAY MADAXWAYNAHA D.F.S. MUDANE MAXAMED CABDULLAAHI MAXAMED (FARMAAJO). 

Haybad iyo wanaag Farmaajoow, Allaa Hiba kugu siiyaye 
Hayinkii baxsani Awrta, wuu ugu horreeyaaye 
Shacabkiibaad u hiillisoo, Lama-Huraan baad tahaye
Habaaskii waataad ka huftayood, hurda isaseegteene
Hareerta waxaa innaga xiga, hur iyo daacuune
Halis inuu yahay cadaw, hohey haatan la’ogaaye
Hubkeey isugu dhiibeen dhammaan, wakaa lagu wada hoobtaye
Ciidankii kala habaabay, isku soo wada habeeyoo
Horumar aan caadi ahayn, iyo heer sare gaadhsii 
Hubaal weeye Ciidankii, inaad hiilla adag siinne
Waxaad tahay Halyey wacanoo, loo-wada hanwenyahaye
********************************************************* 
Hawshii halleysneyd wakaa, aad kala wada huftaye
Hayaankaannu dooneynay, wakaa’ aad horumarisaye
Hoggaankii wacnaa waadigii, aad ugu horseeddaye
Heshiis bey galeen Maalintaad, hawsha’ aad bilowdaye
Hugunkoodii waadigii wadnaha, hoos u wada gooyaye
Hanjabaaddoodii dhammaan, way kuwada hungoobeene
Habaar iney qabaan cadaw, waydin hodayaane
Adigiyo Hanaddadaadii, laad kuwada hurgufteene
Halyey Ninkii noqdaa, Ragguu Haybad dheeryahaye 
Hambalyaan ku leennahay dhammaan, hawshanaad inoo hayso
Hayeeshee Dadkaa kuu hammiyoo, kuu wada hilowsane
Hoggaanka hay Soomaaloo dhanbaa, kuu wada hanweyne
Hambalyo ** Hambalyo ** Hambalyo
Wa Billaahi Tawfiiq 
Duuliye Sare Asli Xasan Cabaade (Calansida) 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.