Home Afsomali Jadwalka imtixaanka shahaadiga dowlada oo la shaaciyey caawa

Jadwalka imtixaanka shahaadiga dowlada oo la shaaciyey caawa

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa caawa soo saartay jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo loo fariisanayo 18-ka bishaan oo ku beegan maalin Sabti ah, wuxuuna soconayaa shan maalmood.

“Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare JFS, waxaa uu halkaan kula wadaagayaa ardayda Soomaaliyeed ee -u-fariiisanaya Imtixaanka sanad dugsiyeedkaan 2021/22 jadwalka imtixaanka fasalka 12-aad,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda.

“Imtixaanka waxaa uu  bilaaban doonaa 18ka Juunyo, 2022 oo ku beegan maalin sabti ah. Jadwalkaani wuxuu qeexaya sida maadooyinku-u-kala horreyn doonaan.”

Ugu dambeyntii qoraalka wasaaradda waxbarashada XFS waxaa lagu yiri, “Wasaaraddu waxay ardayda Soomaaliyeed u rijayneysaa guul iyo mustaqbal horumarsan.”

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Ismaaciil Yuusuf oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu qaadayo imtixaanka uu balan qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo maamulka iskuullada aysan ardaydoodu qaadan Roll Numberka imtixaanka dowladda u qabtay ilaa 4-ta bishan oo maanta ku beegneed.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab ayaa kol-hore sheegay in wasaaradu aysan awoodin in sanadkaan ay imtixaan qaado dhaqaale la’aan darteed, taas oo walaac badan ka abuurtay dalka.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ku bixiyey in sanadkaan uusan baaqan imtixaanka ay qaado dowladdu ee dugsiyada sare, wuxuuna wasaaradda maaliyadda ka dalbay inay bixiso kharashka imtixaanka lagu qaadayo, sida uu shirkiisa jaraa’id ku shaaciyey Agaasimaha waaxda taciliinta saree e wasaaradda waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cusmaan.

Hoos ka eeg jadwalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.