Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan laba qarax oo Ciidamo katirsan kuwa Booliska Dowladda Kenya lagula eegtay degaano u dhow Magaalada lamu ee Gobolka Waqooyi Bari, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Qaraxyada oo laba ahaa ayaa Ciidamada Booliska Kenya waxaa lagula eegtay inta u dhaxeeysa degaannada Ijaara iyo Sangaa’ilow oo hoostaga Magaalada lanu, waxaana la sheegay in mid kamid ah qaraxyada uu qabsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamada Booliska Kenya.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaas, waxaana War kasoo baxay lagu sheegtay in mid kamid ah qaraxyada ay kudileen Injineer u dhashay dalka Shiinaha oo ay ilaalo ka hayeen Ciidamada Kenya.
Wararka la helay ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay socdaalkoodii iska sii wateen, isla markaana dhowr jeer sidaan oo kale loogu weeraray inta u dhaxeeysa degaannada Ijaara iyo Sangaa’ilow ee Magaalada laamu.
Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari ayaan weli ka hadlin qaraxyada, waxaana ay kusoo beegmayaan xilli todobaadkii hore sidaan oo kale Ciidamada Booliska Kenya qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Gaarisa.