Home Afsomali Guddoomiye Cumar Filish oo kormeer Amni sameeyay ka hor xafladda Caleemo-saarka

Guddoomiye Cumar Filish oo kormeer Amni sameeyay ka hor xafladda Caleemo-saarka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray Qeyba kamid Caasimadda kaas oo ugu kuurgalayay Amniga iyo bilicda magaalada.

Qeybaha la kormeeray waxaa kamid ah Wadada isku xirta Balacd iyo Muqdisho, Wadada isku xirta X-Koontorol Balcad ilaa Isgooska Hotel golobal ee degmada Shibis wadooyinkaas oo dhawaan la saaray Laami.

Gudoomiye Cumar Filish ayaa inta uu kormeerkan kujiray wuxuu kula dardaarmayay maamulada degmooyinka iyo Bulshada in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan ilaalinta wadooyinkan dib udhiska lagu sameeyay maadaama dhismahooda muda baahi weyn loo qabay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sidoo kale booqday Xarunta Akadeemiya Goboleedka Afka Soomaliga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.