Home Afsomali Tarsan oo wafdi somaliland ka socday darteed uga baxay shir...

Tarsan oo wafdi somaliland ka socday darteed uga baxay shir ay beesha caalmku Nairobi ku lahaayeen

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Amb Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa isaga baxay shir la isugu yeeray Diblomaasiyiinta caalamka ee fadhigooda yahay dalka Kenya, sida ay noo xaqijiiyeen ilo xogogaal ah.

Sida ay ogaatay somalisan, Shirkaas ayaa waxa khudbad ka jeedin lahaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, taasi oo aheyd khudbadiisa u dambeysay doorashada ka hor.

Amb. Tarsan ayaa markii uu goobta shirka yimid ku arkay calanka Somaliland iyo qof matalayay Somaliland oo fadhiya, taasi oo uu si weyn uga carooday.

Waxa uu ka biyo diiday Amb. Tarsan in shirka laga qeyb-galiyo Somaliland, oo ayadu ku dooda dal ka madax-banaan Soomaaliya, taasi oo keentay in safiirka uu shirka si caro leh uga soo baxo.

Kenya ayaa sanadihii dambe sare u qaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee Somaliland, kadib markii ay si weyn isku qabteen dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ayadu ka dhigatay cadow.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa siyaasad ahaan isku fara saaray sanadihii lasoo dhaafay, iyada oo xittaa mar la kala qaatay safaaradaha, waxaana sidoo kale mar uga sii daray xiisadda kiiska badda ee la geeyey Maxkamadda ICJ, kaas oo ay ku guuleysatay Soomaaliya.

 

https://youtu.be/EHaW1aKFZ7c

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.