Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu ka wadaa kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xalay waxaa uu Muqdisho kulan gaar ah uu kula qaatay Xildhibaano kasoo jeeda degaannada Hir-Shabeelle oo ay kamid ahaayeen Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) iyo Cusmaan Maxamed Cabdi ( Daalo) iyo Xildhibaano kale.
Dhawaan sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, isaga oo ka codsaday inay kala Shaqeeyaan in uu helo codka kalsoonida Baarlamaanka.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu Baarlamaanka horgeeyo Ra’iisul Wasaaraha uu Magacaabay ee Xamsa Cabdi Barre si ay codka kalsoonida u siiyaan si uu u soo dhiso Golihiisa Wasiirada.