Home Afsomali Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban oo kulamo kala duwan ka wada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban oo kulamo kala duwan ka wada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu ka wadaa kulamo kala duwan iyo dadaalo uu ku doonayo in uu codka kalsoonida uga helo Xildhibaannada.

Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa booqasho ugu tagay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u rajeeyay Ra’iisul wasaaraha in uu Rabbi u fududeeyo masuuliyadda Qaran ee uu dalka iyo dadkaba u haayo. Waxa uuna la wadaagay talooyin ku aaddan sidii dalka hore loogu wadi lahaa.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu Baarlamaanka horgeeyo Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.