Home Afsomali Shil khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Burco

Shil khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Burco

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Burco ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil Gaari oo geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Somaliland.

shilkaasi ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen mooto Bajaaj iyo gaari nooca rakaabka qaada  ee Baska oo xiligaasi siday dad rakaab ahaa.

Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Burco  ayaa warbaahinta u sheegay in shilka uu ku dhintay  hal qof sidoo kalena ay shan qof ay ku dhaawacmeen.

Waxaa uu sheegay in xaaladooda Caafimaad hadda ay kula tacaalayaan isbitaalka Magaalada Burco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.