Home Afsomali DEG DEG :Shirkadda Daallo oo ku Fashilantay Daabulidda Xujeyda Soomaaliyeed iyo Habeenkii...

DEG DEG :Shirkadda Daallo oo ku Fashilantay Daabulidda Xujeyda Soomaaliyeed iyo Habeenkii labaad

DEG DEG :Shirkadda Daallo oo ku Fashilantay Daabulidda Xujeyda Soomaaliyeed iyo Habeenkii labaad oo Xujeey Soomaali ah ay ku Xayiran yihiin Garoonka Muqdisho .

Shirkadda Daallo oo DFS ay siisay rusqadda Daabulidda Xujeyda ayaa ku guul-darreysatay in si hufan ay ugu adeegto Xujeyda ,habeenkii labaad ayay boqolaal Xujey ah ku xayiran-yihiin garoonka muqdisho iyagoo gacmaha ku sita ,tikidho Shirkadda ay u jartay balse weysan ,diyaaradii ay raaci lahaayeen ,
Fadeexadan ka taagan garoonka ayaa soo laabatay habeenkii 2aad ,iyadoo xalay gacan ka hadal ka dhashay masuuliyadda darrada maamulka Shirkadda doollo ay soo dhex-galeen laamaha amniga garoonka ,

Caawa xaaladda waa ka duwan tahay tii xalay ,oo boqolaal Xujeey ah oo ka yimid gobalada dalka gaar ahaan dowlad gobaleedyada ayuu roobka ku dul- da’ ayaa oo qabowga iyo dhaxanka waxaa u dheer in ay Daallo Shaacisay in Sababo la xiriira cilad dhankooda ah aysan awoodin daabulidda rakaabka ,

Fadeexad weyn ayay ku tahay DFS gaar ahaan Wasaaradaha Duulista iyo Diinta oo leh masuuliyadda u adeegidda Shacabkan ah DUYUUFU RAXMAAN ,

Masuuliyiin ka tirsan maamulka garoonka ayaana xaqiijiyay in wax ka qabashada howshan ay tahay mid u taalla Wasaaradaha ay quseeyso .
Lacagtii ugu badneed ayaa laga qaaday ,daryeel xumo iyo adeeg la’aan ayay wajaheen Xujeyda Sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.