Home Afsomali Nin sadax dumar ah hal mar wada guursaday halka 3 kalana ay...

Nin sadax dumar ah hal mar wada guursaday halka 3 kalana ay dirqi uga fakatay

Nin ka soo jeeda gobolka Delta, Nigeria, ayaa isku mar guursaday saddex haween ah wuxuuna doonaya in tiro ilaa 6 ah uu guursado balse dhaqaalihiisa ayaa u saamuixi waayey , bilo ka hor  markii nin la yiraahdo Imamuzu uu guursaday laba dumar isla waqti gobolka.

Ninkaan labaad ayaa jabiyay rikoodhkii guurka wuxuuna abaal marin u helay lacag loo qoondeeyey.

Guurka Saddex dumar ah oo isku mar ah, ayaa  cabsi galiyay dad badan oo reer Nigeria, sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay “Bawlos”, ninkaan  dhab ahaantii  wuxuu i rabay in uu guursado 6 haween isla maalintaa, laakiin waxaa lagu qasbay inuu hoos u dhigo tirada saddexaad, sababtoo ah dhaqaale xumo.

 

Sida laga soo xigtay goobjooge, arooska waxaa lagu qabtey magaalada Okbaka ee degmo dowlad hoose oo gobolka ka tirsan, waxaana ninkan ballanqaaday in uu bixiyo lacagta saddexda kale  marka wakhtigu u saamaxo oo uu dhaqaale helo wuxuuna codsaday in lala socdo xaaladiisa dhaqaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.