Home Afsomali Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax qabsaday gaari ay saarnaayeen dad Shacabka...

Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax qabsaday gaari ay saarnaayeen dad Shacabka ah G/Galgaduud

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa Maanta uu ku qabsaday gaari ay saarnaayeen dad Shacabka ah degaanka Xaar xaar oo qiyaastii 3KM dhinaca waqooyi kaga Beegan deegaanka Qaayib ee Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Gaariga oo ah nooca loo yaqaano Saruf ayaa ka yimid dhinaca magaalada Cadaado, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday hal ruux halka mid kale uu ku dhaawacmay, kuwaas oo dhamaantood ahaa dadkii gaariga saarnaa.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamo katirsan laamaha Amniga Galmudug iyo dadweynaha degaanka Xaar xaar ay u gurmadeen dadka ku waxyeeloobay qaraxa, kuwaas oo la geeyay Xarumo caafimaad oo kuyaalla degaanka.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga Galmudug ayaa ku eedeeyay inay qaraxaasi wadada ku aaseen Ururka Al-Shabaab, iyada oo ay xusid mudan tahay in dhowr jeer wadada xiriirisa degaanka Xaar xaar & magaalada Cadaado uu qarax ku qabsaday gawaari ay saarnaayeen dad Shacab ah.

Shalay ayay aheyd markii miino ay kula qaraxday gaari ay saarnaayeen dad Sacab ah xilli uu marayay inta u dhaxeeysa degaanka Ceeldheere iyo Magaalada dhuusamareeb, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo gaariga saarnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.