Home Afsomali Dowladaha Soomaaliya & Ingiriiska oo ka wada-hadlay waxka qabashada Abaaraha

Dowladaha Soomaaliya & Ingiriiska oo ka wada-hadlay waxka qabashada Abaaraha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan dalkeenna marwo Kate Foster.

Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagtay sida dowladda Ingiriiska ay uga go’an tahay wax ka qabashada Abaaraha iyo in ay si buuxda u taageeri doonto tababarada shaqaalaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa boggaadiyay dedaalada dowladda Ingriiska ay ku taageerayso baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, waxaana uu ahmiyada kowaad siiyay sidii wax badan loogu qaban lahaa Abaarahan soo noqnoqday.

https://youtu.be/Xm4y6LPSV8U

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.