Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab iyo Madaxweynaha degaanka...

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab iyo Madaxweynaha degaanka oo ka hadlay

Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa aaga degaanka Laasqurun oo 20 km u jira degmada Feerfeer ee xad beeenadka  Gobolka Hiiraan uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida, halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidamada liyuu Boolis & Xubno katirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ka dhacay dhinaca xadka Gobolka Hiiraan ayaa daba socday dagaalo culus oo Maalmihi la soo dhaafay Ciidamada liyuu Boolis & Al-Shabaab ku dhexmarayay degaano kamid ah dowlad degaanka Soomaalida, kaas oo markii hore ka bilaawday meelo kamid ah Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalidda, Musrafe Cagjar  ayaa sheegay in uu si adag u cambaareeynayo weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen  deegaanka, isaga oo bogaadiyay jawaabta degdegga ah ee hay’adaha ammaanka degaanka ka bixiyeen weerarkaas

Wuxuu ugu baaqay shacabka iyo Dawladduba in ay kordhiyaan feejignaanta iyo kahortagga falalka lagu rabo in lagu khalkhalgaliyo amniga iyo xasiloonida Deegaanka, ayna sii joogteeyaan garabistaagga hay’adaha amniga oo  ay muujiyeen, isaga oo faray muwaadin kasta in ay masuuliyad ka saaran tahay sugidda amniga shacabka degaanka.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa diyaarisay Ciidamo farabadan oo Millaterigeeda ah, kuwaas oo Ciidanka degaanka Soomaalida ka caawin doona dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.