Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii, qaraaabadii, saxiibadii, shacabka Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha gudaha federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Marxuum Maxamed Warsame Darwiish oo ku geeriyooday dalka jarmalka oo wakhtiyadii lasoo dhaafay uu arimo caafimaad u joogay.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu si weyn ugu suntan yahay qalbiyada Bulshada Jubaland oo uu qeyb weyn ka ahaa dadaaladii dhismaha Jubaland iyo sidoo kale wasaaradahii uu kasoo shaqeeyay iyo dhismahii hay’adaha kala duwan ee dowlada oo uu door muhiim ah ku lahaa.
Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marxuumku uu hada gacanta ku hayay dadaalo baaxad leh oo lagu daadajinayo maamulka gaar ahaan dhismaha golayaasha deegaanka oo wasaaradiisu ay hormuud u ahayd.