Home Afsomali Beesha sade Mariixaan oo ka hortimid qaabka loo Xulay habka awood qeybsiga

Beesha sade Mariixaan oo ka hortimid qaabka loo Xulay habka awood qeybsiga

Ujeeddo: Warsaxaafadeed
Kulamo isdaba joog ah oo ay yeesheen xubnaha labada gole ee ku metala beesha Sade dowladda
federaalka Soomaaliya waxaa looga hadlay, guud ahaan marxalada siyaasadeed ee dalku marayo gaar
ahaan hanaanka awood qeybsiga dhismaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee lasoo saaray Augost
2 2022.
Dood dheer iyo falanqeyn kadib xildhibaanada labada gole ee beesha Sade waxay soo saareen
qodobadan hoos ku qoran.
1 Xildhibaanada labada gole ee Beesha Mareexaan-Sade, waxay si buuxda u garwaaqsadeen in
hanaanka lagu dhisay xukuumadda federaalka Somalia uu yahay mid baal marsan dastuurka
dalka iyo hanaanka awood qeybsiga habka beelaha 4.5 ay soomalidu ku heshiisay.
2 Xildhibaanada markii ay arkeen habka loo qoondeeyey Tirada iyo tayada wasaaaradaha
xukuumadda lasoo dhisay waxaa u muuqatay inaysan ahayn mid isu dheelitiran
3 Waxaa muuqatay in lagu xad gudbay awood qaybsiga beesha Daarood habkii soo jireenka ahaa
ee awood qaybsiga dhexdooda taasoo xadgudubkeedu u muuqdo quursi iyo gaf aan la qaadan
karin
4 Xildhibaanada labada gole waxay dareen mideysan kusoo jeedinayaan in masuuliyiinta
dowladda federaalka soomaaliya ay dib u saxid kusameeyaan hanaanka awood qaybsiga beelaha
dhexdooda si shacabka soomaalyeed u helaan xukuumad dheelitiran oo ay kuwada qanacsan
yihiin
5 Waxaan taageero buuxda siineynaa shirka wadatashiga ee ay kudhawaaqeen madaxweyne
kuxigeenka Jubbaland iyo Galmudug
6 Xildhibaanada labada gole ee beesha Sade waxay ugu baaqayaan musuuliyiinta dowlada
federaalka iyo xubnaha labada gole in laga fogaado melena looga soo wada jeesto wax kasta oo
caddaalad daro ah oo halis ku keeni kara geedi socodka dowladnimada soomali
Wabillahi towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.