Home Afsomali Maamulka Jubbaland oo caddeeyay mowqifkooda ku aadan xukuumadda cusub

Maamulka Jubbaland oo caddeeyay mowqifkooda ku aadan xukuumadda cusub

 

Maamulka Jubbaland ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan xukuumada cusub ee Soomaaliya ee uu magacaabay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaana uu sheegay inay taageersan yihiin xukuumadda cusub, isla markaana ay ku boorrineyso Baarlamaanka inuu ansixiyo.

Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee Maamulka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) ayaa sheegay inay si buuxda u tageerayaan Xukuumadda Cusub, isaga oo ugu baaqay Golaha Shacabka inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub.

Wuxuu sidoo kale ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan Golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Xamse una baahan yihiin in horay loo socdo.

Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee Jubbaland oo la hadlayay Idaacadda Voa-da wuxuu sheegay inay rajo weyn ka qabaan inay is bedelay dhab ah la timaado Xukuumadda Soomaaliya, Isla markaana ay noqoto mid dalka ka saarta xaaladaha uu kujiro.

Warkaan kasoo baxay Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee Maamulka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) ayaa kusoo aadaya xilli shalay Madaxweyne kuxigeennada Jubbaland & Galmudug ay qaadaceen Xukuumadda Cusub, sidoo kalena Madaxda dowlad Goboleedyada ka aamusan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.